Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Jubbaland waxaa xiligaan laga dareemayaa diyaar garow ku aadan Shirk Golaha Wasiirada Soomaaliya oo todobaadkan loo qorsheeyay in markii ugu horeysay lagu qabto Kismaayo.
Maalinta Berrito ah ayaa waxa la filayaa in uu Magaalada kismaayo gaaro Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxmed Guuleed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Amaanka Guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo lagu arkayaa Ciidamada kala duwan ee Maamulka Jubbaland,kuwaas oo xaqiijinaya Amniga.
Sidoo kale Wadooyinka qaar iyo Xarumaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la suray Sawirrada Madaxda Qaranka iyo halkudhigyo kale.
Hoos Ka Dhageyso Warbixin Wariye Mascuud Cabdullaahi Aadan