Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka hadlay dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo qorshaha dowladda Federaalka ay dib ugu dhisi laheyd ciidamada kuwaas oo la sheegay in Mareykanka uu hakiyay Dhaqaalihii uu siin jiray.
Kheyre ayaa sheegay in ay adag tahay in la dhiso ciidamo balse, xukuumadda Soomaaliya ay wado wadadii lagu dhisi lahaa ciidamada sidaas daraadeedna Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan dowladooda.
Waxa uu sheegay in Caalamka uu rajo weyn ka qabo in dowladda hadda jirta waqtiga yar ee u harsan in ay dib u habeyn ku sameyso Ciidamada Qalabka sida ee dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadaladiisa dhinacyo badan uga hadlay dhismaha ciidanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay mudo kooban ay ku heshiiyeen in la hakiyo Dhaqaalaha lasiiyo Ciidamada si loo saxo qalalaadka jira.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.