Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu wqtigaan u baahan yahay Ciidan Qaran kuwaas xaqiijiya amniga Guud ee dalka.
Waxa uu sheegay in Ciidankaas loo baahan yahay in ay ahaadaan cidan Qran aan aheyn kuwa qabiil kuwaas oo laga soo kala xulo Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhibaatada dalkan Soomaaliya heysato ay tahay dhanka amniga isla markaana muhiim ay tahay in la helo dowlad wanaag si amniga dalka loogu guuleesto..
Hadlkaan ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay xili shalay uu ka qeyb galayay furitaanka Saldhig dowldda Turkiga ay ku tababari doonto Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha