Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed marka hore ugu baaqay in ay kala gartaan cadawgooda iyo cidda badbaadineysa.
Waxa uu sheegay in Shacabka iyo cidkasta oo Soomaaliyeed ay la gudboon tahay isla markaana ay waajib ku tahay in ay garab istaagaan Ciidamadooda si ay dalka u xureeyaan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhamaan madaxda dowladda, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada ay garab taagan yihiin Ciidamada si ay guul u gaaraan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa ay mar walba ku cel celiyaan in ay Ciidamada daryeel wanagsan heli doonaan Shacabkana ay ugu baaqaan in ay taageeraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.