Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu sheegay xili uu xalay kormeeray Goobtii uu qaraxa khasaaraha geestay ka dhacay ee Isgoyska Soobe ee Magaalad Muqdisho.
Xasan Cali Kheyre oo ay hortiisa taagnaayeen boqolaal Askari ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay Al-Shabaab kaga  duwan yihiin in ay Shacabka badbaadiyaan halka Al-Shabaab dadka leynayaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Hooyooyinkii iyo Shacabkii lagu laayay Soobe dadkii ka hortegi lahaa in aysan markale dhicin ay yihiin Ciidamada sidaas darteena loo baahan yahay in ay Ciidamadu talaabo qaadaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray Xarunta ay ku Shaqeynayaan Gudiga gurmad Qaran ee uu isla shalay  Magacaabay oo ku taalla Xarunta Hargaha iyo Saamaha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre