Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dhacdooyinkii u dambeeyay ee qaraxyada ahaa ee ka dhacay Muqdisho taas oo waxyeelo ay ka soo gaartay Boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in dhacdooyinkaas ay Al-Shabaab ka dambeeyaan isla markaana ay aheyd fariintii u dambeysay ay noo soo direen sida uu hadalka u dhigay.
“Ma ogola in cid ay noolaato taasina ma ahan wax suurtagal ah ,ma aqbaleyno in ay Waalidiinteena laayaan, ma’aqbaleyno in ay Caruurteena laayaan maka aqbaleyno in ay Madaxdeena iyo culumadeena leynaayaan ma’aqbaleyno in xiliyada Habeenkii aan Jidadka ka baqno ayuu hadalkiisa intaas ku darayâ€
Ugu dambeyn isaga oo Boqolaal Askari kula hadlayay dugsiga tababarka Ciidanka ee Generaal Golden oo Maanta uu booqday, ayuu sheegay in Ciidamadu ay yihiin kuwo mid ah isla marakaana ay dadka kale kaga duwan yihiin in aysan iskhilaafin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.