Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyey in uu jiri doono laxisaabtan dhab ah oo lala sameeyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir si amniga loo xaqiijiyo.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaasha ay horay ula kulmeen Madaxweyne Faramajo,isla markaana uu u sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadooda loona baahan yahay in ay waxka bedelaan.
“Runtii maalin dhaweyd madaxweynaha waad la kulanteyn wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadiina,waxana la idinka rabaa in aad dardargelisaaan,runtii Guddoomiye yariisow waxaa laga rabaa in Shaqada uu ka ceyriyo guddoomiyihii Shaqaysan waayo iyo Askarigii qalad gala ama anaga ay noo soo sheegaan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyreâ€
Hadalka  Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili tiro dhowr jeer Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay la shireyn guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir,isla markaana ay ka codsadeen in la dardar geliyo Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.