Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.
Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha qaranka, garsoorka gobalka Banaadir iyo dawlad gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qof walba,ha ahaado Oday dhaqameed,Aqoonyahan,Siyaasi iyo Culumo in uu ka Shaqeeyo in dalkaan Nabad lagu soo dabaalo,waxana uu ballan qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo Cod ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.