Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee qeybta ka ah dowladda Federaalka ah ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.
 “Dalka waxaa soo maray dhacdooyin badan oo ay waxyeelo ka soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed taasi waxa ay natuseysaa in aan u midowno dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada si aan uga guuleyssano hadii kale dhibaatada waa ay sii soconeysaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyreâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in Bilaha soo socda dhamaan dalka laga saari doono Al-Shabaab iyo cidkasta oo cadaw ku ah dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre