Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dardaaran weyn waxa uu u jeediyay Bahda kala duwan ee Saxaafada Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan Nabada iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in qof walba oo Saxafi ah lag doonayo ka qeyb qaato dhismaha dalkiisa Warbixinada uu qoraayana ay noqdaan kuwo dalkiisa dhisaya islamarkaana uu ka fikiro.
Waxa uu Saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay noqdan kuwo runta sheega islamarkaana waxka dhisa dalkooda,islamarkaana noqda kuwo ay taariikhdu xusto,balse taas bedelkeeda aysan noqon kuwa ka qeyb qaata burburinta dalkooda.
Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ka sheegay Shalay Munaasabad lagu daahfurayay kuliyada Cilmiga Saxaafada Jaamacadda Ummada taas oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha