Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay Siyaasada dowladda ee Sanadkaan Cusub ee 2018 ayaa sheegay in dowladda ay wax walba wadahadal iyo xal ay ku raadin doono.
Waxa uu soo hadal qaaday dadka mucaaradka ku ah xukuumadiisa waxa uuna sheegay in dhaliisha wax dhiseysa ay soo dhaweynayaan, balse ay ka digayaan dhaliilahaha danaha shaqsiga ku jirto ee shacabka Soomaaliyed aysan dani ugu jirin.
Sidoo kale wax uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xiligaan hiigsaneyso wadooyin badan taas oo horseedi karta in guul laga gaaro dowladnimada xiligaana la joogo waqtigii lagu tartami jiray dadka Soomaaliyeed.
Wareysi uu siiyay Warbaahinta dowladda ayuu ra’iisul Wasaare kheyre kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan waxqabadka xukuumadda iyo caqabadaha horyaalla.
Hoos Ka DShageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.