Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo kahor hadlayay Boqolaal Askari ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa sheegay in Madaxda Qaranka ay diyaar u yihiinin in Ciidamada ay sicadaalad ah u maamuln.
Waxa uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay bixiso Mushaaraadka ciiidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo waxkasta y u baahan yihiin.
Sidoo kale isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaas ku daray in dhamaan madaxda dowladda ay wada qaateen hal Go’aan oo mideysan.
“waxan ku heshiinay in qabiil aan qabiilna ka wanagsaneyn waxan ku heshiinay in sida kaliya ee lagu heli karo karamo ay tahay in aan oogno Soomaalinimada waxan ku heshiinay in aan waxba kala qarsan waxaan ku heshiinay in aanan Jarmal iyo Faransiis kala aheyn balse aan nahay dad Soomaaliyeed.
Ugu dambeen wax uu hadalkiisa intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay ka Go’an tahay in la xureeyo Goobaha Gacanta ay ugu jiraan Cadawga oo uu ula jeedo Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka