Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka JFS oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.
Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaas.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanka