Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah waxa ay xukun ku riday rag  qaarkood lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Raggaan oo tiradoodu gaareysay ilaa Afar ayaa markii Saddexaad la horkeenay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo Maanta ugu dambeyn la xukumay.
Raggan ayaa waxaa ay Magacyadoodu kala yihiin.
1:- Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
2:-C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
3:-C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah
4:- Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.
Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa raggan xukunka lagu riday ku dhawaaqay.
Hoos Ka Dhageyso codka Gudoomiyaha Dararajada Koowaad.