Cabdifitax Axmed Xasan oo ah Muwaadin Soomaliyeed islamarkaana ku xiran mudo 10,Sano ah Wadanka Norway,isagoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin ayaa Qoyska Cabdifitax oo Maanta soo agaray Xarunta dhexe ee Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho codsaday in laga qeyb qaato siideynta wiilkooda.
Nuur Cali Shariif oo Abti u ah Cabdifitaax ayaa sheegay in ay soo gaartay in Subax walba Xabsiga dhexdiisa lagu dhibateeyo lana jirdilo,islamarkaana dhawaan uu booqday Agaasimaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya dalka norwey uuna ka warqabo.
Codheer ayaa waxa uu uga dalbaday madaxda ugu sareysa dowaldda Soomaliya Wasaarada Arimaha Dibadda iyo waliba sidoo kale Hay’adda waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan sidii uu xuriyadiisa u heli lahaa.
Hadalka ka soo baxay Ehelada Cabdifitax Axmed Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayiran dalak norwey ayaa ku soo aadaya xili xalay Madaxweyne Farmaajo,uu sheegay in dowladda Sooamaliya ay wado qorsho lagu doonayo in xuriyadooda ay dib u heleen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku xiran.
Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Ehelada