Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulankoodii caadiga aah ku yeeshay Xildhibaanada baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey) maadaama uu dalka ka maqayan yahay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jaraawi.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa sheegay in Baarlaamanka soomaaliya ay galayan fasax nasasho oo mudo 20 Maalmood h oo ku eg ilaa 5 Bisha soo socota ee September.
Inta fasaxa lagu jiro ayaa Xildhibaanada qarkjood waxa ay aadi doonaan Xajka,si ay u soo gutaan Waajibka alle taas ayaana ugu badan sababta loo fasaxay xildhibaanada ayuu yiri C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey).
Hoos Ka Dhageyso CodkaÂ