Heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan Iskaashiga dhanka Dhaqaalaha oo dhex mara labada dal,waxana heshiiskaas wada saxiixay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Rajab Adka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wefdi Wasiir ah oo dhawaan gaaray Turkiga balse Maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka kooban yahay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen wax soo saarka dalka.
Waxa uu sheegay in tani ay fursan u tahay Shacabka Soomaaliyeed isla markaana heshiiskaas ay ka mid yihiin dhinaca Beeraha Biyaha, Tamarta, iyo kaabayaasha Dhaqaalaha intiisa kale.
Sidoo kale wax auu sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha  isla markaana ay sahli karto in dalka turkiga loo dhoofiyo Muuska Liinta iyo Sisinta
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya isla markaana ka caawisa dhinacyo badan,wax ayna aheyd dowladdii ugu horeysay ee usoo gurmatay markii soomaaliya ay ka dhaceyn abaaraha Sanadkii 2011,kii.
Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id uu Maanta Muqdisho ku qabtay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ku soo laabtay.