Maamulka degmada Boondheere ee gobolkan Banaadir ayaa faah faahin waxaa ay ka bixiyeen qarax khasaaro geestay oo saakay aroortii ka dhacay qeybo ka mid ah Gudaha degmadaas.
Gudoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye oo Dalsan u warantay ayaa sheegtay in qaraxa uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegtay in ninkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Abuu Shiine loogu xiray gaarigiisa qaraxa kaas oo deganaa degmada Shibis balse markii uu marayay degmada Boondheere uu Gaarigii ku qarxay.
Sidoo kale waxa ay xaqiijisay in qaraxas uu ku geeriyooday Abuu Shiine oo watay xiligaas iyo dhaawaca qof la socday Marxuumka.
Maalmihii u dambeeyay ayaa dilal qorsheysan iyo weeraro masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa ay ka dhacayeen degmooyinka Gobolka Banaadir iyada oo dhacdadii u dambeysay lagu dilay taliyihii Nabad-Sugida degmada Kaxda.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Boondheere