Todobaad kadib markii ra’sul wasaaraha soomaaliya uu ku dhawaaqa golo xukuumadeed oo ka kooban 68 xubnood ayey maanta mudanayaashada baarlanka codka kalsonida u qaadeen.
Kulanka oo ay xaadireen 236 xildhibaan misna uu gudominayay Cabdiwali Muudeey gudomiyaha kuxigeenka 1aad ee baarlamanka ayaa ahaa mid xasaasi ah.
Xildhibaanada saluugsanaa hanaanka awood qeybsi ee xukuumada ayaa doodooda sal uga dhigay in xeer hoosaadka baarlanka uusan waafaqsaneen kulanka maanta sida uu qabay xildhibaan daahir amiin jeesow.
Xildhibaan Mahad Cabdal Cawad gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaka ayaa qiray dhankiisa sugnanta sharci ee dooda jeesow.
Doodaas kadib ra’isu wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamanka ka hor akhriyey barnaamijka siyaasadeed ee ay ku holgali doonta xukumada uu magacaaway waxuuna dalbaday ansixinta wasiirada cusub.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta ay sameeyeen xildhibaanada
Xukuumada maanta la ansixiyay oo 42 ka mid ah ay xildhibaano yihiin ayaa howlaheeda waxaa ugu muhiimsan amniga, abaaraha, la dagaalanaka, musuqa iyo adeegyada bulshada waana xukuumadii 2 aad ee tiradeedu intaas gaarto ku wii dalka so maray
Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.