Xalay ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Balli-Khadar ee Gobolka Bari,waxna dagaalkaas uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Al-Shabaab ayaa masuuliyada weerarkaas sheegtay,iyaga oo sheegay in ay burburiyeen saldhigaas,isla markana ay la wareegen Gaadiid ay lahaayeen ciidamada Badda dowlad goboleedka Puntland.
Weerarkaas ayaa waxaa ka jawabay Maamulka Puntland iyaga oo ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas Saldhigga Ciidamada Badda Puntland lagu soo qaaday uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliland oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdulllaahi (Bataar) kana tirsan guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland
Waxa uu sheegay in weerarkaas ay Puntland ku gaarsiisay cadawgii soo weeraray jab xooggan,isla markaana lagu doonayay in lagu hakiyo qorshaha Puntland ay kula wareegeyso deegaanada Gobolka Sool.
Sikastaba Maamulka soomaaliland weli kama jawaabin eedeynta kaga timid dahnka Puntland,waxna dagaalkii sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay in ay ku dileyn in ka badan todobo askari,sidoo kalena ay la wareegen.
Hoos Ka Dhageyso Codka  Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf shirkiisa Jaraa’id.