Maamulka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqa Abuur loo sameeyey Qaxooti farabadan oo isugu jira Yamaniyiin,Soomaali iyo itoobiyaan kuwaasi oo dhawaan ka soo laabtay dalka Yaman.
Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cali Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee hadda ku nool deegaanada Puntland loo sameeyey xarumo ay ku shaqeystaan noloshoodana ay ku maareeyaan
Deegaanada Puntland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo qulqulayey dad qaxooti ah oo ka soo cararay colaado ka jira dalka Yeman.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Maamulka Puntland.