Taliyaha la dagaalanka waxa loogu yeero Argagxisda Maamulka Puntland Genaral Muxudiin Axmed Muuse  oo ka hadlayay qaraxii khasaraha badan geestay ee 14 Bishaan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dadka dhibaatada geysanaya in aysan kala jecleyn Puntland iyo Dadka Muqdisho.
Waxa uu sheegay in ay xiligaan wanasgan tahay in Al-Shabaab hal dhinac looga soo wada jeesto isla markaana Guud ahaan dalka laga saaro sida uu hadalka u dhigay.
Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan mid la mid ah dhibaatadii dalka ka dhacday,loona baahan yahay in Shacabku ay ciidamada Amniga la Shaqeeyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha