Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Xersi Cali Qarjab,ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xariga Wariye Cumar Dheere oo ka mid ah Wariyaasha ka howlgalla Magaalada Garoowe.
Wasiirka ayaa sheegay in ay la socdaan xarigaas,balse aysan jirin cid si micnodaro ah loo xirayo,islamarkaana haatan uu baaritaano ku socdo.
Waxa uu sheegay in baaritaano kadib hadii ay wax ku soo baxaan Maxkamad la saari doono balse hadii wax dembi ah lagu waayo lasiideyn doono.
Wasiirka ayaa hadalkaan sheegay xili uu la hadlayay Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Maamulkasi puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wsiirka