Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka Sharciga Drashooyinka ee haatan horyaalla xildhibaanada golaha Shacabka.
Waxa uu jeediyay madaxweynaha Puntland eedeymo u badnaa in aan lagala tashan maamulkiisa Sharcigaan isla markaana uu yahay mid u danaynaya madaxda haatan taada haysa sida uu hadlka u dhigay.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale waxa uu shaki geliyay sida uu ku dhaqangeli kari Xeerkaan Doorashooyinka maadaama sida uu yiri aan la soo marsiin habraacyadii sharciga ahaa ee ay ka mid aheyd in lagala tashado maamul gobaleedyada.
Halkaan Ka Dhageyso CodkaÂ