Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Galmudug waxa ay ka hadleen hanaanka ay dowladda fedraalku ula falgelayso arrimaha soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaas iyo qorshaha qeybta lasiinayo Ahlusunna.
Waxa ay ugu baaqeen Odayaashu madaxda dowladda in ay u ogolaadaan doorkooda dhismaha Galmudug gaar ahaana tan soo xulista Xildhibaanada oo aan laga hor istaagin.
Dhinaca kalana waxa cadeeyeen in aysan dhexgelayn Aglusunna iyo dowladda howlahooda ay quseyso hase’ahaatee waxa ay ka digeen qorshahe ay sheegeen in ay wadato dowladda fedraalku oo ku aaddan 30% in laga siiyo Ahlusunna taas oo aan sax aheyn sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa garadka ayaa tilmaamay in ay tageen magaalada Dhuusa Mareeb laguna casuumay balse aysan jirin wax caqabad ah oo ay kala soo kulmeen muddadii ay joogeen magaalada dhismaha Galmudugna ay ka shaqeyn doonaan iyaga oo gacan siinaya dowladda.
Halkaan Ka Dhageyso Codka