Kadib howlgallo ay ciidamada Booliiska Maamul Goboleedka Puntland ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay ku guuleesteen in ay Gacanta ku dhigaan Ninkii ka dambeeyay dilka gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaaciil Kabacadde.
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlayay Warbaahinta Gudaha deegaanada Puntland ayaa sheegay in ay suurtagashay in ay ciidamadu Gacanta ku soo dhigaan Ninkii ka dambeeyay dilkaas.
Waxa uu sheegay in dhawaan ay Maxkamad soo taagi doonaan,balse kahor Ehelada Marxuumkii la dilay iyo kan wax dilay ay wada kulmi doonaan.
Macada sababta loo dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari,balse Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dilkiisa uu la xiriira aanooyin qabiil.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha