Dadka degan Xaafada uu dabka ka kacay ee dagmada Yaaqshiid gaar ahaan tookiyada Suuq Bacaad ayaa inoo sheegay in dabka Guriga uu qabadsiiye nin madaxa looga jiro, kaas oo ka mid ahaa dadka Xaafada.
Dabkana demintiisa ay qaadatay in ka badan 30 qadiiqo oo ay damiyeen dadka xaafada oo isku soo baxay maadaama Xaafada ayna leheyn wado uu u maro gaadiidka dabdemiska.
Inta uu socday dabka ayaa la sheegay in labo caruur ah uu dhaawac soo gaaray ayna dadkii ku howlanaa daminta ay guriga ka soo saareen loolana cararay isbitaal sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ahaa dadkii gurmadka u sameeye Xaafada dabka uu ka kacay
Dhacdan oo kale waa mid naadir ah oo ku yar maqalka Shacabka waxana inoo suura galin in maamulka dagmada Yaaqshiid aan telefonka ku haleelno si aan u weydiino macluumaadka aan helnay mid ka badan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha