Dadka la dilay oo gaarayay ilaa Saddex ruux ayaa dhammaantood ahaa rag isla dhashay,waxaana falkaasi uu ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir,waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday.
EheladaSaddexda Ruux ee la dilay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ninka dilka geystay uu ka mid ahaa Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya,isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddex raga ah ee uu dilay.
Qof ka mid ah ehelka dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in ninka askariga ah ee dilka geystay iyo Saddex ruux ee la dilay ay ahaayeen dad Ilmo adeer ah,isla markaana Askariga uu dilay Saddexda Walaalaha ahaa,isla markaana  loo sababeynayo arrimo la xiriira isqabqasbi dhul.
Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu dilka geystay uu baxasaday haatana  ay weli baadi goob ku hayaan,askarigaas laamaha amniga soomaaliya.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Meydadka Saddexda Ruux haatan lagu haayo Xarunta Dambi barista CID-da ee Muqdisho.
Dhacdadan weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir balse xiriir aan la sameynay nooma suurtagelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka mid ka mid ah Ehelada dadka la dilay.