Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa Magalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ku soo bandhigtay laba Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Al-Shabaab,isla markaana lagu eedeeyey in ay Miino aasayeen.
Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa sheegay in howlgal xalay laga sameeyey duleedka Galbeed ee Magalada Kismaayo lagu soo qabtay ragas iyo qalabka Miinooyinkii ay aasayeen.
Raggaas Maanta lasoo bandhigay ayaa mid ka mid ah Magaciisa waxa ay Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ku sheegeen Cabdi Fitaax Xashir Cabdi oo 23 jir ah.isla markaana uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Sargaalka qaybta dambi baarista u qaabilsan Hay,adda Nabad sugidda iyo sirdoonka jubbaland ayaa sheegay isaga oo Warbaahinta Kismaayo kula hadlayay in raggaas ay doonayeen in ay Shacabka dhibaateeyaan,iyada oo lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ugu dambeyn Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay soo sheegay cidkasta oo ay u arkaan in uu lidi ku yahay amiga.
Hoos Ka Dhageyso Codka  Sargaalka qaybta dambi baarista u qaabilsan Hay,adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Korneel Axmed Muuse.