Xaflado lagu weyneynayo dhalashadii Nabigeenna Muxamed SCW ayaa maanta ka soconaya gobollo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada muslimiinta ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday dhamaan shaqaalaha rayidka ah xuska dhalashada Nabigeenna awgeed, taasoo ku beegan 12-ka Bisha Rabiicul Awal ee taariikhda Hijriyada.
Sanad kasta marka la gaaro maanta oo kale waxaa ummadaha muslimiinta ah u dabaaldegaan dhalashadii nabigeenna oo ku asteysan  12-ka Bisha Rabiicul Awal, iyadoo laga sheekeeyo siirada nabigeenna Muxamed.
Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Dalsan Xaruntiisa Muqdisho ayaa ka hadlaya Xuska Dhalashada Nabigeena Muxamed(NNKH)
Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif