Ciidamada Amisom gaar ahaan qeybtooda Burundi ayaa markii ugu horeysay mudo dhowr ,Sano kadib waxa ay ka guureen Jaamacadda Gaheyr oo ay deganaayeen tan iyo markii ay soo galeen mudo hadda laga joogo 10 Sano.
Wareejinta dhismahan oo 10 sano ay degganaayeen ciidankaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo madax kale.
Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo Maanta lagu wareejiyay Jaamacadda ayaa sheegay in Jaamacaddaan la furay Sanadii 1985,tii islamarkaana loogu magacdaray Wasiirkii waxbarashada Soomaaliya ee Sanadihii todobaatameeyadii.
Waxa uu ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed in ay iskaashadaan islamarkaana ay ka Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa simarkale aysan u noqon mid dadkale ay degaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka