Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay danjiraha Midawga Yurub ee Soomaaliy Mudane Nicolás Berlanga Martine oo shalay gaaray Magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana qayb ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliy ayaa waxaa looga hadlay Mahaariicda horumarineed ee uu Midawga Yurub ka hirgeliyay deegaanka Puntland,isla markaana uu ka fulinayo halkaas.
Inta badan kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha wadada isku xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,waxaana Safiirka Midawga Yurub Nicolás Berlanga uu sheegay in dib ay u bilaabi doono dhismaha Wadadaas oo Bishii September ee sannadkii 2018 la joojiyay.
Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Deberaani ayaa ka warbixiyey kulanka.