Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu isbedel ku sameeyey guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Gudoomiyeyaasha maxkamadaha Racfaanka gobolka iyo midka gobolka Banaadir,waxana magacaabistaas kasoo horjeestay mid ka mid ah Xisbiyada ka jira dalka.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xilka uga qaaday si aan dastuuri aheyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare,iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha Racfaanka gobolka iyo midka gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha laga doonayey in uu soo dhiso guddiga adeega garsoorka dalka balse taas bedelkeeda uu ku deg degay xilka qaadista guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo guddoomiyaasha kale sida Gudoomiyeyaasha maxkamadaha Racfaanka gobolka iyo midka gobolka Banaadir,isla markaana aysan aqoonsaneyn.
Si kastaba xilligii Madaxweyne Farmaajo uu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle suleymaan ayaa waxa uu qaadacay xilka qaadisataas balse dadaal farabadan oo la sameeyey lagu qanciyey in uu xilka wareejiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale.