Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geestay weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne Gobolkaan Banaadir.
Weli waxaa socda Gurmadka lagu soo saarayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas,dhismayaasha Hotelka oo qaarkood burbursan ayaa waxaa xiligaan laga soo saarayaa Meydadka dadkii Hotelka deganaa oo Shacab u badnaa iyo Masuuliyiin intaba.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo ilaalinaya dhaq dhaqaaqa,waxaana xalay ilaa saakay Waaberigii ka dhacayay Gudaha Hotelka Bambaanooyin iyo rasaas oo ay isku ridayeen Ciidamada amniga iyo Ragii soo weeraray ee Al-Shabaab wallow weerarkaas saakay la soo gaba gabeeyay.
5 Rag ayaa la sheegay in ay ahaayeen dadkii weeraray Hotelka in kastoo warar kale ay sheegayaan in ay gaarayeen ilaa 7 Ruux,kuwaas oo xiliga ay hotelka ku jireen laga maqlayay iyaga oo ku dhawaaqaya Takbiirta halka dadka ay tooganayeen dhankooda ay qeylinayeen sida uu sheegay qof Shacab ah oo Hotelka ku jiray.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha