Maqaayad ku taalla degmada C/casiis ee gobalka Banaadir ayaa lagu arkay qof meyd  ah oo u muuqatay in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii  si aan loo arag,waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka.
Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay Meydkaan oo la hadashay Dalsan ayaa sheegtay in iyada oo haaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bini’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka agdhawaa.
Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii,dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin qabri,dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay.
C/llahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada C/casiis oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga.
Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho 10-sano ka hor,isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay.
Halkaan Ka Dhageyso Codka