Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Maddobe oo ka hadlayay munasabadda Sangootinta wefdiga Ra’iisul-Wasaaraha ayaa aad uga hadlay muhiimadda ay leedahay dagaal ka dhan ah Alshabaab si dalka looga saro
Waxa uu sheegay in laga maarmo ciidamada AMISOM oo lagu bixiyo dhaqaalo fara badan in aysan jirin shaqo dhab ah oo ay ka qabteen dalka gaar ahaana dagaalka Shabaab oo dhowr sano ka socda Somalia waxaana uu cadeeyay I Somalia ay u baahantahay in ay isku tashato.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmamay in aysan jirin cid la xisaabtanta Hayadaha deeq bixiyaasha iyo AMISOM taasna ay sabab u tahay dib u dhaca jira eek u aadan in uu waqti dheer qaatay howlgalka AMISOM ee ka socda dalka.
Halkaan Ka Dhageyso Codka