Wariyayaashaan ayaa ka howlgalla Magaalada Borama waxaana Maxkamada Gobolka Owdal ee Maamulka Soomaaliland ay midkiiba ku xukuntay min laba Sano oo Xabsi ah.
Wariyayashaan ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Maxamed Cabdullaahi oo ah Wakiilka Kalsan Tv ee Magaalada Boorama iyo Axmed Diiriye Ciiltire oo ah Wakiilka Tv-ga iyo Raadiyaha SBC,waxana loo heystaa Warar ay ku faafiyeen Baraha Internet-ka.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Owdal ayaa sheegay in Wariyaashaan loo heysto Warar ay ku faafiyeen Internet-ka  oo ahaa kuwo lidi ku ah Qaranimada Soomaaliland.
Qareenka u doodayay labada Wariye oo lagu magacaabo Abuu Bakar Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Wariyaashaan loo heysto Afar Qodob.
Waxa uu sheegay in markii hore laba sano oo xarig ah lagu Xukumay markii ay racfaanka qaateen markale iyada oo aan cadeyn loo heyn lagu xukumay laba Sano oo xarig ah.
Sikastaba Xukunka ay Maanta riday Maxkamada Gobolka Owdal ayaa ah kii ugu badnaa oo ay Wariyayaal ku xunto tan iyo markii la’aas aasay.
Hoos Ka Dhageyso Codka qareen Abuu Bakar Sheekh Maxamuud.