Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay Xukun ku riday rag lagu eedeeyay in ay farsameyn jireen qaraxyada kuwaas oo dhowr mar dacwadooda ay Maxkamadu dhageystay.
Raggaan Maanta Xukunka lagu riday ayaa gaaraya ilaa 3 kuwaas oo Maxkamada ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,isla markaana ay u qabilsan yihiin dhanka qaraxyada.
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud 3o  jir ah ina faadumo Sheekh Cabdullaahi ku dhashay Shabellaha Hoose.
Jamaal Maxamed Cali Ina Wiilo diiriye Jimcaale ku dhashay Muqdisho
Axmed Aadan Weerar Ina Dahabo Cilmi Xalane ku dhashay Muqdisho.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud in lagu eedeeyay in Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada,isla markaana ahaa Macalin bara dadka sameynta qaraxyada.
Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna u qaabilsan yihiin dhanka qaraxyada,isla markaana laga soo qabtay guri ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha iyaga oo diyaarinayay qaraxyo.
 Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa waxaa lagu xukumay  Xabsi daa’in ah halka Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar lagu xukumay min 10 Sano oo Xabsi ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee uu Akhrinayo Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.