Shirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa loog hadlay xoojinta Ammaanka, Abaaraha, dhaqaalaha iyo qorshaha horumarinta Qaranka.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn diiradda lagu saaray qorshaha amniga dalka oo ay Xukuumada soo diyaarisay, kaasi oo la xiriira dardargelinta howlaha la xiriira Nabadgelyada dalka, iyadoo xalay guddiyada Amniga, Arrimaha gudaha iyo Difaaca ee golaha shacabka ay xalay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka, kaasi oo diiradda lagu saaray qorsheyaasha Amniga ee dalka.
Wasiir Yariisow ayaa yiri “Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, maadaama dhawaan Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay mooshin ka keeneen, waxaana xalay uu Ra’iisul Wasaaraha kulan la qaatay shir uu soo qaban qaabiyay guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Amniga, Arrimaha gudaha iyo Difaaca, waxaana la isku afgartay qorshaha amniga Qarankaâ€.
Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in shirka warbixin looga dhageystay Wasiirka caafimaadka oo ka warbixisay xaaladda bukaanada uu soo ridayo xanuunada kala duwan ee ka dhashay abaarta.
“Wasiirka Caafimaadka waxa ay shirka ku soo bandhigtay xaaladaha caafimaad dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodkaâ€
Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ayaa shirka Golaha Wasiirada looga dhageystay warbixin la xiriirta horumarinta Qaranka.
Ugu dambeyn Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa laga dhageystay xaaladda abaaraha ee dalka, waxaan ay soo bandhigtay qorshe bisha Ramadan 100 kun oo qoys rashin lagu gaarsiinayo.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.