Xilli dhawaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis ku gaareen Magalada Muqdisho ayaa waxa arintaas ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada Maaamulka Galmudug iyo Siyaasiinta Maamulkaas
Wasiirkii hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug Cismaaan Maxmed Cali ayaa waxa uu ka hadlay heshiiska ay wada gaareen maamuladaas isagoo sheegay in loo baahnaa in marka hore Baarlamaanka Galmudug oo uu sheegay in khilaaf ka dhaxeeyo lamideeyo.
Heshiiskaas ayaa waxa uu ku tilmaamay in loo baahnaa balse loo baahnaa in meel hoose laga soo bilaabo.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Mire Axmed oo ka mid ah Baarlamanka Galmudug ayaa waxa uu dhankiisa uu soo jeediyay in la isku tanaasulo heshiiskana uu ahaa mid loo baahnaa cid walibo oo cabasho qabtana in cabashadeeda la xaliyo.
Hoos ka Dhageyso Codadka