Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa balan qaad u sameysay Somaaliya kaas oo ku aadan dib u heshiisiin iyo waliba sidii Soomaaliya uga dhalan laheyd dowlad loowada dhan yahay sidaasi waxaa ka dhawaajiyay Safiirka Somaaliya u fadhiya dowaldda Jabuuti Amb: Aaden Xasan Aaden.
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Jabuuti looga bartay in ay caawiso Shacabka Soomaaliyeed kana Caawiso dhinacyo badan haatana ay weli diyaar u tahay in ay kala shaqeyso sidii Shacabka Soomaliyeed u wada hadli la haayeen
Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmin taas bedelkeedana ay kala shaqeyn doonaan waxwalba oo lagu soo celinaayo Nabada Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka