Kulan deg deg ahaa ayaa Caawa dhexmaray Guddigii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu u Magacaabay xalinta Cabashadii ka timid Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xubnaha ay iska soo xuleen Ganacsatada.
Kulankaan oo ka dhacay Hotelka SYL ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii Ganacsatada looga jawaabi lahaa cabashadooda isla markaana looga joojin lahaa Canshuur kordhinta oo ay ka cabanayeen.
Xuseen Cali Nuur Warsheekh oo ka mid ahaa Ganacsatadii Caawa kulanka la qaatay gudigii ka socday Gobolka Banaadir ayaa Dalsan u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.