Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sababta Maanta Kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanad Golaha Shacabka uu u baaday ay tahay Xaflda daah-furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif
Waxaa uu sheegay Idiris Dhaqtar in Xildhibaanada inta badan ay ka qeyb galeen Xaflada lagu daah furayay Xisbiga Himilo Qaran,isla markaana xusay inay u maqnaayeen Xildhibaanada dano gaar ah oo aysan soo xaadin kulankii Maanta ee Golaha Shacabka.
“Baaqday waxaa sababay xildhibaanada Maqan oo aaday Xafladda Sh/Shariif uu ku furayo xisbigiisa,Ilaah baan idin ku dhaarshee lacagta dadkaas ay qaataan Ma Xaaraan mise Xalaal-baa,Anigu waxaan leeyahay Waa Xaaraan”ayuu yiri Xildhibaanka.
Hadalkan ayaa waxaa uu sheegay Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kadib markii uu Maanta Kooram uu u baaqday Kulankii Golaha Shacabka,kaasi Ajendihiisu ahaa Aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha Ganacsiga.
Hoos ka Dhageyso Codka Idiris Cabdi Dhaqtar.