Kulamo kala duwan ayaa ka dhacaya deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kulamadaas oo u dhaxeeya Maamulka Gobolka Bakool kan degmada Xudur Maamulka Gobolka Baay iyo Muqtar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Kulamadaan ayaa ah mid looga arinsanayo sidii gobolada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Gobolka bakool looga bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Gacma ayaa Dalsan u sheegay in kulamadaas uu ahaa mid lagu gorfeeyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay siwadajir ah dagaalkas uga qeyb qaataan.
Waxa uu sheegay in Sheekh Muqtaar Rooboow uu Go’aan ku gaaray in Al-Shabaab oo dadka Soomaaliyeed dhibaato ku haya dalka oo dhan laga xureeyo isla markaana isaga uu dagalkaas ka qeyb qaadan doono sida uu hadalka u dhigay.
Muqtaar roobow iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdi Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa shalay baydhabo soo agaray kuwaas oo la filayo in uu dhawaan la kulmo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Maamulka  Koonfur Galbeed.