Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Maandheere oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay daagal beeleed sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalkaas ayaa waxa gu geeriyooday,waxaana ku baxay Ciidamo u sameysan hab deeganka ah,iyaga oo Xabsiga dhigay qaar ka mid ah masuuliyiin ku lug yeeshay dagaalkaas oo ka soo jeeda deegaanka Maandheere ee duleedka Jowhar.
Maxamuud Ibraahim Alle-Tuug oo ka mid ah masuuliyinta la xiray ayaa isaga oo ku jira Saldhiga Magalada Jowhar waxa uu Dalsan u sheegay in xalay hoygiisa loogu tegay,isla markaan ay soo xireen ciidamada deegaanka,iyaga oo iska difaacayay kooxo uu sheegay in ay weerar ku soo qaadeen.
Gudoomiyaha Tuulada Maandheere ee uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo soo laab laabtay,isla markaana ay yihiin kuwo lagu doonayo in la isku laayo dadka dega tuulooyinka Deymosame iyo Maandheere,waxa uuna ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaas weli masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan Hir-Shabeelle.
Warkaan oo dhameystiran waxaa Jowhar kas oo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.