Masuuliyiinta Maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen qarax lala egtay xili ay Maanta howlgal ka wadeen deegaankaas
Masuuliyiintaan ayaa lagu soo waregliyay qaraxa ka hor in Bartamaha Wadada dhexmarata deegaanka Garasabaleey lagu aasay miino xalay,sidaasina ay goobta ku yimaadeen si baaritaano loogu sameeyo,sida uu Dalsan u sheegay gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Deegaanka Garasbaaleey Cabdullaahi Cabdi  Maxamuud.
Waxa uu sheegay in Masuuliyiinta ay Wadada xireen si uusan waxyeelo ugu geysan Miinada Goobta ku aasneyd balse xili ay howlgalka ku jireen lagu qarxiyay.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in qaraxaas uusan jirin cid uu waxyeelo u geystay xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacayna ay tahay mid caadi ah.
Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa ka dhacay qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxana inta badan lala eegtaa Gawaarida ay la socdaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Deegaanka Garasbaaleey.