Waxaa maanta la filayaa in la kala qaado Maleeshiyaadkii ku wada dagaalamay deegaanka Baanyaaleey oo u dhaxeysa Xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud halkaas oo mudo ku dhow Isbuuc ay dagaalo ka socdeen.
Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa wada qorshaha uu ku kala qaadayo labadaasi Maleeshiyo beeleed sida uu radio Dalsan u sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Baashi.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dadka ku nool deegaanada lagu dagaalamay ay horay u ahaayeen dad isjecel balse ay xoogaa xurguf yar soo kala dhex gashay taasina  ay iyaga ku guuleesteen mudo Sadax maalin ah ka dib ay xal ka gaaraan maantana ay kala qaadayaan.
Waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud in ay ka hortagaan wax allaala iyo wixii caqabad ku noqon kara in dagaalkaas la joojiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka