Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa si aad ah uga hadlay Sharciga liil tirka Siyaasiyiinta oo Maanta ay ka doodayeen xidhibaanada Golaha Shacbaka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Baarlamaankii 9aad uu siweyn uga hadlay hindise Sharciyeedka liil tirka Siyaasiyiinta,isla markaana xilligaas ay Xildhibaanada suurtagal u noqon weysay inay meel mariyaan,baarlamaankaas 133 ka mid ahna ay Baarlamaanka ka baxeen.
Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in dalkaan Shaqooyin farabadan ay u soo qabteen siyaasiyiinta,xilli adagna ay soo mareen,waxaan uu dalbaday in Siyaasiyiinta hadda jirta ahmiyad weyn la siiyo.
“Qofka Siyaasiga ah dalkiisa six or ah ugu noolaan karo dalkaan Shaqo ayaa loo soo qabtay, Siyaasiyiintu in sida shaatigii loo tuuro oo ay suuqa qare lafariistaan wax suurtagal ah maahan ayuu yiri Mahad Cabdala Cawad.