Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim alaad Xasan ayaa si kulul uga hadlay qaraxii 28-ka bishan ka dhacay Isgooyska EX: Koontarool Afgoore ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday markii uu maqlay qaraxaas oo dadka ku dhintay ay ahaayeen dad shacab ah oo u badan Arday,arrintaasna ay leedahay dhibaatadeeda in kasta oo aysan aheyn buu yiri markii ugu horeysay.
Dhinaca klaana madaxwenihii hore ee Soomaaliya Cabsi Qaasim Salaad Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhibkaan uu soo bilowdayรย mar hore,tan kaliya ee looga bixi karaana ay tahay in la iska daayo dhiigga umada ee la banaysanay diintana loosoo noqdo sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii waxa uu baaq u diray Madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto dadka sida uu sheegay wada Fitnada lagu laynayo umadda Soomaaliyeed gacmahana la is qabsado is looga baxo dhibaatadaan.
Halkaa Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan