Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay halkii uu ku dambeeyay khilaafkii soo kala dhexglay Maamulkiisa iyo madaxda ugu sareysa dalka.
Xaaf ayaa waxa uu sheegay in arrinta khilaafkaas uu sababtay uu ahaa markii safarkii uu ku tegay Imaaradka sikale loo fasiray,taas oo keentay khilaaf weyn laakin waxaas oo dhan haatan uu dhamaaday ayna ka heshiiyeen.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in isaga iyo dowladda ay wada heshiiyeen,isla mrkaana hadii ay Imaaraadka mashaariic ka fulinayaan deegaanada Galmudug ay soo dhaweynayaan hadii ay dowladda u soo marsiiyaan taasina ay muujineyso in khilaafkii laga gudbay.
Horay ayaa waxaa jirtay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda ugu sareysa dalka kadib safar uu Imaaraadka ku tegay Xaaf kadibna uu taageeray Go’aankii Wadamada Khaliijka xiriirka ugu jareen dowladda Qatar dowladda Soomaaliyana ay dhex dhexaadka ka noqotay,waxana jirtay in Galmudug ay gashay xiisad Siyaasadeed oo sababtay xilka qaadis wallow markii dambe xal laga gaaray.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Galmuudg  Xaaf.              Â